Home » Archives by category » Wararka maanta (Page 1436)

Suldaan Cabdirsaaq Xirsi Carab ( Suldaan Cawer) oo ka mid ah Salaadiinta Soomaaliyeed ayaa asagoo qiireysan ka hadlay dilkii allaha u naxariistee Saado Cali Warsame, oo loo dilay arimo siyaasadeed, taas oo aad uga gil gisheen umada Soomaaliyeed ee maalinkasta waxgaradkeeda lagu hor leynayo. Hoos ka dhageysa wareysiga Suldana Cawer. Xigasho: Allidamaale.com

Continue reading …

Garowe (Pes): Agaasimahii hore ee hay’adda daryeelka bulshada Puntland Xuseen Maxamed Maxamuud Xuubsireed ayaa maanta xilkii ku wareejiyey agaasimaha cusun ee uu madaxwayne Gaas u soo magacaabay hay’addaas Maxamed Cabdirisaq Dayib Guure.     Munaasabad xil wareejin ah oo ka dhacay xarunta wasaaradda shaqada, shaqaalaha, dhallinyarada iyo ciyaaraha ayaa waxaa kasoo qeyb galay xubno kamid […]

Continue reading …

Garowe (Pes): Siciid Diiriye Dabo-Gub oo horey usoo noqday Xillibaan ka tirsan Baarlamanka Puntland ayaa ku nuuxnuuxsaday sida uu uga xun yahay waxa Xamar ka socda, Xamar dowladnimo ma taasho. Saado calina dilkeedu wuxuu aha amid siyaasadeed oo reer Puntland ay ogyihiin cida ka dambaysa. Wuxuu intaa ku daray Siciid sedexdii xildhibaan ee lagu dilay […]

Continue reading …

Muqdisho (Pes): Madaxwaynaha Puntland Dr Gaas ayaa habeen hore ka dalbaday DFS in lagu aaso maydka marxuumad Saado Cali Puntland ooy ka soo jeeday. Waxuuna madaxweynuhu isla shalayba meediyada mariyey si aan gabasho lahayn in uu ka dalbanayo in lagu aaso maydka Puntkland.   DFS way ku gacansayrtay codsigaas waxayna u ogolaatay Puntland in ay […]

Continue reading …

Muqdisho (Pes): AUN iyadoo shalay lagu aasay Magaalada Xamar Marxuumad Saado Cali ayaa waxaa isla shalay makhribadii gaaray magaalada Xamar wafdi ballaaran oo kasoo kicitamay magaalada Garowe ee casimadda Dowladda Puntland. Waxaana Puntland u soo dirtay in ay booqdaa qabriga Saado Cali oo ay DFS ka diiday Puntland in lagu aaso Puntland ama lala sugo. Wafdigaas waxay […]

Continue reading …

Gaalkacyo (Pes): Gudoomiyaha guddiga dib u eegaya dastuurka qabyadda ah ee Somaliya ayaa gaartay 23.July.2014 magalada Gaalkacyo xarunta Gobalka Mudug. Marwo Caasho Geelle Diiriye ayaa sheegtay imaanshaheeda Puntland inuu salka ku hayo sidii rayidka looga qayb galin lahaa doodaha laga yeelan doono dastuurka qabyada ah ee dalka oo aan ilaa iyo hadda la dhamaystiran. Dr […]

Continue reading …

Muqdisho(Pes)) Wafdi isku jira Wasiiro,wasiir ku xigeeno iyo odayaal dhaqan shalay Garowe ka ambabaxay isla xalyna gaaray, (24-07-2014), Xamar ayaa maanta oo Jimce ah waxay la balansan yihiin inay kulmayaan madaxda ugu saraysa ee D. Waftigan oo ka kooban 17 xubnood ayaa sababta ay Puntland Xamar ugu dirtay ay tahay in ay marka hore soo arkaan […]

Continue reading …

Garowe (Pes): Waxa maanta ka dhacay caasimada Puntland ee garowe mudaharaad aan cidina soo abaabulin ooy isugu soo baxeen dad aad iyo aad uga caraysan dilalka Xamar loogu gaysanayo xildhibaanada ka soo jeeda Puntland. Mudaharaadayaashu waxay dalbadeen in ay wasiirada iyo xildhibaanada ka soo jeeda Puntland ka tagaan Xamar si ay uga badbaadaan dilka lala […]

Continue reading …

Dhacdooyinkii ka dhacay todobaadkan Puntland aad bay u badnaayeen. Waxaynu isku dayeynaa in aynu ka soo qaadano kuwa ugu muhiimsan. Waxaan kaloo todobaadkan bilaabayaa in aan ku cabiro wixii fiican oo dhacay suul kor u taagan wixii aan fiicnayna suul hoos u foorara, hooska eeg. Dhacdooyinkii ugu waawaynaa todobaadka Axad 20 ka july 2014 Ciidamo […]

Continue reading …

Gaalkacyo (Pes); Waxaa maantay lagu aasay Xamar xil Saado Cali oo shalay 23-07-2014 ay ku dishay Xamar gacan ka xaqdaran. Ma jirto ilaa iyo hada cid loo soo qabtay in ay dishay xildhibaanada. Meesha lagu dilayna waxaa ka agdhawaa ciidamo aad u tiro badan. Gacan ku dhiiglayaashii dilay xildhbaanadana iskood ayey uga tageen goobtay ku […]

Continue reading …