18 May 2022 (Puntlandes) Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa xafiiskiisa ku qaabilay madaxweynaha dowlad-goboleedka Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam oo ay ka wada hadleen gebagebada howshii doorashada dalka ee guushah ku soo dhammaaday. Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa Ra’iisul Wasaaraha uga mahadceliyay sidii uu hoggaamiyay howshii doorashada dalka iyo dhabar adeygii uu muujiyay […]
Continue reading …17 May 2022 (Puntlandes) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan salaan iyo is-xogwaraysi ah la qaatay Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada, Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye, Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam iyo Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen. Madaxweynaha jamhuuriyadda ayaa Madaxda […]
Continue reading …17 May 2022 (Puntlandes) Madaxweynaha Xafiiska Jooga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kulan booqasho iyo salaan ah waxa uu Madaxtooyada Qaranka kula qaatay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, oo 15-kii May loo doortay Madaxweynaha 10-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Kulanka ayaa Labada Madaxweyne waxa ay iskaga xog waraysteen xaaladda guud ee dalka, […]
Continue reading …Muqdisho, May 17, 2022; Madaxtooyada Qaranka ayaa u guddoontay Madaxweynaha dooran ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud dhambaallo hambalyo ah oo ku aaddan guusha uu ka gaaray doorashadii Madaxtinimada ee ku qabsoomtay Muqdisho 15-kii bishan. Dalalka aan walaalaha nahay iyo kuwa ay naga dhaxeyso saaxiibtinimada ku dhisan iskaashiga iyo wax-wada qabsiga ayaa Madaxweyne […]
Continue reading …16 May 2022 (Puntlandes) Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay António Guterres ayaa soo dhoweeyay in doorashada madaxtinimo ee Soomaaliya ay si nabad ah ku qabsoonto 15-ka May, wuxuuna u hambalyeeyay Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo loo doortay madaxweynaha 10-aad ee Federaalka Soomaaliya. António Guterres oo soo dhaweeyay doorashada Madaxweyne Xasan SheekhWaxa uu ku bogaadiyay Madaxweynaha xilka […]
Continue reading …16 May 2022 (Puntlandes) Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa maanta saxiixay amar boqolaal askari oo Mareykan ah dib ugu celinaya Soomaaliya, si ay uga hortagaan kooxda Al-Shabaab ee Soomaaliya. Saraakiisha militariga Mareykanka ayaa horey u sheegay in la-dagaalankii Al-Shabaab ay wiiqday go’aankii madaxweynihii hore Donald Trump uu ciidamada Mareykanka uga soo saaray Soomaaliya. Ciidamada Mareykanka ayaa […]
Continue reading …16 May 2022 (Puntlandes) Madaxweyne Muuse Biixi iyo gudoomiyaasha Xisbiyada mucaaradka ee ICID iyo WADDANI Faysal Cali Waraabe iyo Xirsi Xaaji xasan oo uu weheliyo musharaxa madaxweynaha ee Xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Cirro ayaa heshiis ka gaaray sida loo xusayo munaasabadda18ka may.
Continue reading …16 May 2022 (Puntlandes) Warsaxaafadeed ay soo saareen saaxiibada Soomaaliya ayey ku waxay u hambalyeeyeen madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo xalay Baarlamaanka Soomaaliya ku doorteen magaalada Muqdisho. Hoos ka akhriso Warsaxaafaeed: 16 May2022: Saaxiibada caalamka oo u hambalyeeyay madaxweynaha cusub Xasan Sheekh Maxamuud Muqdisho – Saaxiibada Beesha caalamka* ee Soomaaliya waxay Xasan Sheekh Maxamuud […]
Continue reading …16 May 2022 (Puntlandes) Ra’iisul Waaaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa caawa booqasho hambalyo iyo salaan ah ugu tagay madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheikh Maxamuud isagoo u rajeeyay in uu Eebbe ku guuleeyo xilka Qaran ee loo doortay.
Continue reading …16 May 2022 (Puntlandes) Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta salaan iyo hambalyo ugu tagay madaxweynaha cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo xalay ay doorteen Baarlamaanka labada Aqal. Labada masuul ayaa kulankoodi ahaa is xog-wareysi iyo sidii loo sii amba qaadi lahaa […]
Continue reading …