DHAGEYSO: (Nugaal) Muxiyadiin & Cabdiyare oo Ku doodaya inay u gadoodeen Ciidankooda oon dawladu Mushaar siin

155a
Cabdiyare & Muxiyadiin

25 jun 2015 Puntlandes)  Inkastoo ay soo dhexgaleen waxgaradka Gobolka Nugaal iyo Culimaa’udiin ayaa hadana maanta waxaa saxaafada waraysi lala yaabay siiyey Muxiyadiin iyo Cabdi Yare oo ka abuuray Puntland waxa aadka u foosha xun taasoo ah isku day burburin dawladnimada Puntland.

Muxiyadiin iyo Cabdi Yare  oo xilka uu ka qaaday madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas si cadna u diiday inay xilka wareejiyaan inkastoo uu mar dambe uu Taliyihii hore ee Ciidanka PIS-ta Puntland Cabdiyare Xasan Xuseen magac ahaan u wareejiyey maadaama uu laharay hubkii iyo ciidan ka mid ahaa kuwa dawlada. Gen. Muxiyadiin Axmed Muuse taliye xigeenkii hore ee Booliiska Puntland ayaa isna wuxuu la goostay Ciidamo  iyo hub farabadan oo ay dawlada Puntland lahayd.

Hadaba nimanka ayaa maanta warasiyadii ay bixiyeen waxay la soo shirtageen inay la gadoodeen markii la siin waayey Mushahaar Ciidamadooda!!

Waxay kaloo labaduba si isku mid ah ugu eedeeyeen madaxweyne Gaas inuu Guryahooda u dhacay caruurtoodana Caanihii ka qaatay, Dumarkoodiina argagax geliyey, CAJIIB

Dawladi Mushaar ma siisaa Ciidan Taliye Xil laga qaaday uu la gadooday

Muxiyadiin iyo Cabdi Yare oo go’aansaday inay ISBAARO dhigtaan sidii Yalaxoow iyo Indhocadde ma waysan ogayn in dadku la yaabayo iyaga maxaa yeelay sidee Dawlada Puntland Mushaar ku siin kartaa Ciidan niman gadooday oo ISBAARO dhigtay ka amar qaata?

Wuxuu kaloo Cabdi Yare ku dooday in madaxweyne Gaas u isticmaalay Ciidankii Badda oo aan sida uu isagu yiri Maandhayt u haysan inay ka amar qaataan dawlada Puntland! oo ma wuxuu rabay inay iyaguna amardiido sameeyaan sidooda oo soo burbur iyo kala tag maaha arrinka nimankaani doonayaan?

Doodoodu waxay cadaynaysaa inay haboowsan yihiin aysana qiil u haysan ISBAARADOODA. Puntland dawlad bay leedahay waxaana madaxweyne loo doortay Cabdiwali Maxamed Cali Gaas waana Dastuuri in awaamiirtiisa loo hogaansamo. Haddi la doonayo in Xilka laga qaadao Gaas ileen geed meesha ka baxay maahee waxaa jira sifo Sharci oo loo maro ee ISBAARO lama dhigto, la iskumana dayo in dawladnimadii Puntland loo burburiyo Mucaaradnimada Gaas, kadibna ISBAARO la dhigto caasimadii iyo Wadooyinkii wadanka.

Dhagayso Cabdi Yare oo VOA waraysatay

 

Dhagayso Muxiyadiin oo BBC waraysatay


Puntlandes.com

About The Author