Madaxweynayaashii hore Shariif Sheekh & Farmaajo oo ku dhawaaqay in MW Xasan Sheekh jabiyey Waanwaantii ay ka dhexwadeen isaga iyo Siciid Deni

13 Feb  2024 (Puntlandes.com) Madaxweynayaashii hore Shariif Sheekh Axmed iyo Max’ed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku dhawaaqay in madaxwewyne Xasan Sheekh jabiyey Waan-waantii ay ka dhexwadeen isaga iyo Siciid Deni.

Madaxdii hore ayaa ku eedeeyey madaxwewyne Xasan Sheekh in uu ka shaqeynayo kala dhantaalka Midnimada dalka iyo wadajirka bulshada Soomaaliyeed, ficil kasta oo kayimaadana isaga masuuliyada leeyahay.

Madaxweynaha Puntland ayay uga mahadceliyeen aqbalka iyo ogolaanshaha gogosha dhexdhexaadinta, oo ay sheegen in uu ku amaanan yahay.

Hoos ka akhriso warsaxaafadeedka:

Warsaxaafadeed,

Kaddib wada hadallo dhinaca telefoonka ah oo aanu si gooni gooni ah ula yeelannay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Maamulka Puntland Mudane Saciid Cabdullaahi Deni, ayaanu ku guuleysannay in labada dhinac naga aqbalaan in wada hadal lagu dhammeeyo khilaafka siyaasiga ah ee jira, la isuguna yimaado gogol.

Si arrintan bilowga ah fursad loo siiyo waxaan isla meel dhignay Madaxweyne Xasan Sheekh inuu hakad galiyo galka la xiriira wax-ka baddalka dastuurka muddo laba asbuuc ah. Hase yeeshee, waxaa muuqata kaalintii odaynimo aanu isu xilqaannay in ay mira dhali wayday kaddib markii aanu dhanka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wax jawaab celin ah ka waynay, uuna mar kale ku dhaqaaqay jabinta qodobkii shardiga u ahaa in wada hadalladu ay bilowdaan.

Dalkeennu wuxuu haatan taagan yahay isgooys adag oo ay khatar ku jirto midnimadeenna dhuleed iyo madaxbannaanideena, waddada kaliya ee looga gudbi karana uu yahay in lagu wajaho wadatashi, isqancin iyo isu tanaasul. Waxaa noo muuqanaya in Madaxweynaha uu oo ka leexday wixii lagu ballamay, taasno keeni karto inuu dalka galo xalad kala qeybsanaan iyo khilaaf horleh.

Waxaan si wadajir ah ugu mahadcelinaynaa Madaxweynaha Maamulka Puntland Mudane Saciid Cabdullaahi Deni soo dhaweynta iyo ajiibista gogosha dhexdhexaadinta, waxaana cid walba oo daneysa arrimaha siyaasadda Soomaaliya u caddeynaynaa in wixii kala fogaansho iyo kala tag ah uu masuuliyaddeeda qaadayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Waxaa ku saxiixan warsaxaafadeedkan;

  1. Mudane Shariif Sheekh Axmed
  2. Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo

13ka Febraayo, 2024

About The Author