Iran oo sheegtay inay Maraykanka ku wargeliyeen weearkii Israa´iil

14 Apr 2024 (Puntlandes.com) Wasiirka Arimaha dibadda Iran, Hossein Amir-Abdollahian ayaa wuxuu sheegay in howlgalkii aargoosiga ahaa ee ay Iran ku qaaday Israa’iil la soo afjaray, isla markaana Iran aysan qaadi doonin howlgal cusub ilaa la soo weeraro.

Wasiirka ayaa wuxuu hoosta ka xariiqay in haddii Iran mar kale la soo weeraro, ay markan bixin doonto jawaab adag.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay inay weerarka ku wargeliyeen Maraykanka, wuxuuna yiri “Waxaan ku wargelinay Mareykanka 72 saacadood ka hor weerarka Israa’iil in weerarradayada ka dhanka ah Israa’iil ay noqon doonaan kuwa xaddidan oo keliya iyo ujeeddooyin difaac oo sharci ah.”

Dhanka kale Taliyaha guud ee Ilaalada Kacaanka (IRGC) ee Iran, Hossein Salami ayaa sheegay in weerarkii xalay uu calaamad u noqday cutub cusub oo ka mid ah iska horimaadyada Iran ee ka dhanka ah Israa’iil, isagoo ku andacoonaya in hadda mar kasta oo Israa’iil ay go’aansato inay qaado weerar ka dhan ah Iiraaniyiinta, ay la kulmi doonaan jawaabta saxda ah ee IRGC.

About The Author