Sawirro: Maxaa looga hadlay Shirkii todobaadlaha ah ee Golaha Wasiirada dawladda Puntland?

09 May 2024 (Puntlandes.com) Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo weheliyo Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor, ayaa Shir-guddoomiyey Shirka todobaadlaha ah ee Golaha Wasiirada.

Qodobada looga hadlay Shirka Golaha Wasiirada:-

1. Amniga Guud

2. Saameynta ay geysteen Roobabkii ka da’ay Puntland, sida khasaaraha Naf iyo Maal leh iyo burburka soo gaaray Waddooyinka.

3. Gurmadka dadka Roobabku saameeyeen.

4. Qorshaha Biyo- ka -saarka Gaalkacyo.

5. Kulankii Xisbiyada Siyaasadda Puntland iyo qabashada Doorashada Goleyaasha deegaanka ee degmooyinka harsan.

6. Iyo sida uu u socdo Ololaha daaweynta Xoolaha Puntland oo meel Wanaagsan maraya.

Golaha Wasiirada ayaa dib-u-eegay qobadii looga hadlay Shirka todobaadkii hore iyo waxa ka qabsoomay, Madaxweynaha ayaa faray dhammaan Hay’adaha Dowladda in la dardargeliyo adeega Dowladnimo ee bulshada loo hayo.

About The Author