Sawirro: Ciidanka Booliska Somaliland oo Itoobiya Tababarri doonto

10 May 2024 (Puntlandes.com) Hoggaanka Tababarka Ciidanka Booliska Somaliland Gen. Cabdi Axmed Tiir iyo Madaxweynaha Jaamacadda Ciidamada Booliska Dawladda Federaalka Itoobiya Mesfin Abeba ayaa kala saxeexday heshiis muhiima oo ku saabsan Tababarrada labada Ciidan Boolis.

Heshiiskan ayaa daba-socday safar uu dhawaan ku tagay Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Sarreeye Gaas Maxamed Aadan Saqadhi, kaasoo kulan la qaatay Taliyaha Ciidamada Booliska Dawladda Federalka Itoobiya Commissioner General Demelashe G/Mechiel.

Hoggaanka Tababarrada ayaa waxa safarka ku wehelinaayay Saraakiil ka tirsan Taliska Ciidanka Booliska Somaliland.

About The Author