Muuqaalo-sawirro: MD Deni “La isma muquunin karo, la ismana dardari karo, dalkaan meesha uu aadayo ha laga wada hadlo, Puntland waxay diyaar u tahay garnaqsi”

22 May 2024 (Puntlandes.com) Madaxweynaha dawladda Puntland Siciid Cabdulaahi Deni ayaa khudbad dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyey xiritaankii Shirka Jiheynta xukuumadda Dowladda Puntland oo maanta Garowe ku soo gabogaboobay.

Madaxweyne Deni ayaa yiri “La isma muquunin karo, la ismana dardari karo, dalkaan meesha uu aadayo ha laga wada hadlo, Puntland waxay diyaar u tahay garnaqsi”

Saciid Deni ayaa sheegay in aanay suuragal aheyn sharciga marka lagu tumanayo in aanan la isku eegin, isagoo u soo jeediyay Dowlad Goboleedyada muddo xileedka ka dhacay in la helo cid qabato oo ku weecisa waxa sharci ah iyo heshiiska siyaasadeed lagu yahay.

Madaxweyne Deni “Soomaalinimada cidna uga cararimayno, cidda khaldan baan qabanaynaa Hadii Allaah idmo, garab istaaga dadkeenna Soomaaliyeedna hore ayeenu usii wadaynaa“

About The Author