MD Deni oo u hambalyeeyey madaxweynaha cusub ee Somaliland
19 Nov 2024 (Puntlandes.com) Madaxweynaha Puntland Siciid Cadbulaahi Deni ayaa hambalyo u diray madaxweynaha la doortay ee Somaliland Cabdiraxmaan Cirro iyo kugeenkiisa Maxamed Cali Cabdi.
“Waxaan u hambalyeeynaynaa Madaxweynaha la doortay ee Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro) iyo ku-xigeenkiisa Mudane Maxamed Aw-Cali Cabdi, waxaanu sidoo kale boggaadinaynaa doorashooyinkii ka dhacay Somaliland ee xisbiyada iyo madaxtooyada.
Madaxweynaha cusub ee Somaliland waxaan ka rajeynaynaa inuu furo weji-cusub oo nabad iyo xasillooni ku suntan iyo inuu illaaliyo deris wanaaga SSC-Khaatumo iyo Puntland, iyo sidii aysan mardanbe usoo noqon laheyn colaadihii hore u dhacay” Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni.