Maxkamadda Sare ee Somaliland oo ansixisay sadexda Xisbi ee Somaliland

30 Nov 2024 (Puntlandes.com) Maxkamadda Sare ee Dastuuriga ah ee Somaliland ayaa maanta oo sabti ah fadhi ay yeelatay, ku ansixisay natiijadii doorashada Ururrada iyo Axsaabta Qaranka, taasi oo ay hore Guddida Doorashooyinka Qaranku ugu dhawaaqeen natiijada hordhaca ah 19-kii bishan aynu ku jirno.
Doorashada Ururrada iyo Axsaabta Qaranka ayaa waxaa ku guulaystay labada Xisbi ee Waddani iyo Kulmiye iyo Ururka Kaah, oo ay mutaysteen in la siiyo shahaadadda Xisbinimo.
Xisbiga KAAH ayaa bedelay Xisbigii Faysal Cali Waraabe ee UCID oo labaatab sano in ka badan ahaa Xisbi ka mid ah sadexda Xisbi ee Somaliland.

