Muuqaal-sawirro: Madax Puntland oo booqasho ugu tagay Ciidanka Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada ee Puntland

17 Jan 2025 (Puntlandes.com) Masuuliyiin ka tirsan Dowladda Puntland ayaa maanta booqasho dhiirigelin iyo garaab istaag ugu yimi Ciidanka Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada ee Puntland, gaar ahaan ururka 12-aad ee Komaandoosta Madaxtooyada.
Ururka ayaa qeyb ka ah Howlgalka dhinaca buuraha Bariga magaalada Boosaaso, si ay u beegsadaan firxadka Argagixisada Daacish ee hadba dhinac u cararaya Buuraha Cal-miskaad.















