Muuqaal: Sheekh Shariif “Dalkaan kama dhici karto doorasho hal qof ogyahay natiijadeeda, siyaasiin hubka laga dhigo waxa kahoreysa in siyaasadda laga heshiiyo”

1a1i24

17 Jan 2025 (Puntlandes.com) Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif oo shirjaaid ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa caddeeyey inay Soomaaliya iminka ka dhici karin doorasho hal qof ogyahay natiijadeeda, sidoo kalena aan siyaasiin hubka laga dhigo iyadoon siyaasadda laga heshiin.

Sheekh Shariif ayaa yiri “Dalkaan in dadka iyo siyaasiinta hubka laga dhigo waxaa ka horreysa in siyaasadda laga heshiiyo.

Haddii Dhashiike iyo Amisom Madaxdii dalka ay wataan sidee dadka loogu sheegayaa Hubka iska dhiga?

Siyaasad koox gaar ah dalkaan kama shaqeynayso, Dalkaan maanta tallo Soomaaliyeed ayuu u baahanyahay.

Dalkaan kama dhici karto doorasho hal qof ogyahay natiijadeeda, xalkuna waa doorasho loo dhanyahay oo heshiis lagu yahay.”

Hoos ka daawo Sheekh Shariif oo ka hadlaya Doorashada uu wado madaxweyne xasan Sheekh

Halkana ka daawo Sheekh Shariif oo si adag uga hadlay hab ka dhigista uu madaxweynuhu doonayo inuu sameeyo si uu u qabsado doorashadiisa.

About The Author