Sawirro: Wasiirka Xannaanada Xoolaha Puntland oo ku soo dhaweeyey maxjarada xoolaha wafdi ka kooban golaha wasiirada

19 Jan 2025 (Puntlandes.com) Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha DPL Mudane Cumar Cabdisamad Yuusuf Dhuux ayaa ku soo dhaweeyey maxjarada xoolaha wafdi ka kooban golaha wasiirada dawladda Puntland.

Wasiirada ayaa waxay kala ahaayeen Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka Badda iyo Dekadaha Puntland Shaakir Mohamed Gulled, Wasiirka warfaafinta Maxamuud Caydiid Dirir, Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka Marwo Ubax Cabdirashiid Maxamed, Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Haweenka iyo Arrimaha Qoyska Dr. Maryan Axmed Cali, Wasiiru-dowlaha Madaxtooyada Puntland Cabdifataax Maxamed Cabdinuur iyo gudoomiye ku-xigeenka Degmada Bosaso Bashiir Faarax Siciid oo kormeer shaqo ku tagay maxjarada oo ay ka socoto shaqo baaxad leh oo loogu diyaarinayo xoolaha loo iibgeynayo wadamada caalamka.

Waxa ay mas’uuliyiinta soo mareen dhammaan qaybaha maxjarka, xoolaha ku jira sidoo kale waxa ay warbixin ka dhagaysteen maamulka maxjarka iyo xafiisyada u qaabilsan dekedda ee dhoofka xoolaha.

About The Author