Sawirro: Wasiirka Xannaanada Xoolaha Puntland oo ka mid ah wafti wasiiro iyo maamulka degmada oo kormeer ku tagay dekedda Bosaso

19 Jan 2025 (Puntlandes.com) Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha DPL Mudane Cumar Cabdisamad Yuusuf Dhuux oo ka mid ah wafti wasiiro iyo maamulka degmada aha ayaa kormeer ku tagay dekedda Bosaso.
Waxa ay mas’uuliyiinta u kuurgaleen habsami u socodka shaqada dekedda oo dhinacna ay ka socoto dejinta maciishadda dhinaca kalena horumarinta dekedda iyo bilaadhinta dekedda, Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka Badda iyo Dekadaha Puntland Shaakir Mohamed Gulled ayaa uga warbixin ka siiyey heerarka kula duwan ee dhismaha dekedda iyo halka ay marayso.
Sidoo kale dhammaan mas’uuliyiinta ayaa bogaadin iyo ku dhiiri gelinta shaqada baaxadda leh ay hayaan ugu tagay haweenka gobolka bari oo isu xilqaamay in ay diyaariyaan qayb ka mid ah saadka ciidamada difaaca puntland ee buuraha ku bacasanaya ururada argagaxisada, Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Haweenka iyo Arrimaha Qoyska Dr. Maryan Axmed Cali ayaa uga warbixisay inta u diyaarka iyo xiliyada la qaadi dooni si loo gaarsiiyo furimaha ciidamadu ku sugan yihiin.




















