Farmaajo “Wax ka baddal Dastuur & qabasho doorasho aysan qayb ka ahayn Puntland, Jubaland iyo hormuudka siyaasadda dalka, waxaa kaliya ee lagu fasiri karo waa….”
20 Jan 2025 (Puntlandes.com) Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa Warsaxaafadeed uu soo saaray uga hadlay xaaladda uu dalku ku sugan yahay iminka.
Farmaajo ayaa Warsaxaafadeedka ku yiri “Wax ka baddal Dastuur iyo qabasho doorasho aysan qayb ka ahayn Puntland, Jubaland iyo hormuudka siyaasadda dalka, waxaa kaliya ee lagu fasiri karo waa in hoggaanka talada dalka haya uusan wax tixgalin ah u hayn wadajirka iyo midnimada dalka oo ah mas’uuliyaddii qaran ee loo doortay, uuna damiciisa gaarka ah ka hormariyey masaalixdii guud.
Haddaba annagoo maanka ku hayna arrimahaas masiiriga ah ee aan kor ku xusnay, waxaan madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ugu baaqayaa inuu talada dhexda dhigo, horseedna uusan u noqon in dalku uu kala tago iyo hubanti la’aan siyaasadeed oo ku dhammaan karta qalalaase iyo dib u dhac qaran”
Hoos ka akhriso Warsaxaafadeedka Farmaajo:
