Sawirro: Wasiirka Xannaanada Xoolaha Puntland oo maalintii labaad kormeer ku tagay Maxjarka Wadani ee Bosaso

20 Jan 2025 (Puntlandes.com) Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha DPL Mudane Cumar Cabdisamad Yuusuf Dhuux ayaa maalintii labaad kormeer ku tagay Maxjarka Wadani ee Bosaso.
Wasiirka ayaa waxa uu kulan la qaatay maamulka Maxjarka iyagoo uga arinsanayey horumarinta Maxjarka iyo tayaynta adeegyada uu bixiyo. Wasiirka ayaa tilmaamay in Maxjarada ay u yihiin il dhaqaale bulshada Puntland sidaa darteed ay muhiim tahay in tayadiisa iyo shaqadiisa kor loo qado lana dhawro xaquuqda shaqaalaha iyo dhakhaatiirta ka hawl gasha maxjarada, wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyada oo ka duulaysaa taa waxa ay mar walba samayn doonta kormeero joogto ah oo lagu hubinayo habsami u socodka shaqada.
Sidoo kale waxa uu wasiirka kormeer ku tagay xaruntii hilibka Puntland ah meel muhiim u ah bulshada in ay shaqayso si loo helo hilib nadiif ah caafimaadkiina la hubiyey.















