Sawirro: Xubin sare oo katirsan argagixisada Daacish ayaa isu soo dhiibay ciidamada Difaaca Dowladda Puntland

21 Jan 2025 (Puntlandes.com) Xubin sare oo katirsan kooxda argagixisada ah ee Daacish ayaa isu soo dhiibay ciidamada Difaaca Dowladda Puntland, isagoo ka faa’idaystay fursada Dowladda ee ku wajahan in aan loola macaamili doonin, si lamid ah maxaabiista argagixisada laga qabto ee Soomaalida iyo Ajaanibta, dadka deegaanka ee ay khaldeen.

Taliska Howlgalka ciribtirka argagixisada ee Puntland ayaa soo bandhigay Salaad Naxar Xirsi, oo katirsanaa kooxda argagixisada ah ee Daacish, kaas oo isu soo dhiibay ciidamada Difaaca Dowladda Puntland.

Salaad ayaa ka faa’idaystay cafiska Madaxweynaha Dowladda Puntland ee ku wajahan in aan dadka deegaanka ee ay khaldeen argagixisada, isna soo dhiiba loola dhaqmi doonin si lamid ah argagixisada Ajaanibta iyo Soomaalida ah ee lagu qabto dagaalka.

Howlgalka ciribtirka argagixisada ee Puntland ayaa meel wanaagsan maraya, ciidamada ayaa ku guda jira wajiga labaad ee dagaalka.

About The Author