Sawirro: Wasiiro booqasho ku tegay degmada Balidhidin ee Gobolka Bari

21 Jan 2025 (Puntlandes.com) Wafdi heer wasiir ah ayaa booqasho ku tegay degmada Balidhidin ee Gobolka Bari, halkaasi oo ay agab caafimaad iyo taakulo Dowladnimo ay geeyeen. Sidoo kale waxaa la dhagax dhigay Isbitaalka degmad oo balaarin iyo Tayeyn lagu sameynayo.

Wafdiga ayaa kaa kooban Wasiirka Warfaafinta Mudane Mahamud Caydiid Dirir, Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha Mudane Abdirahman Habaarwa, Wasiir Dowlaha Madaxtooyadda Mudane Abdifatah Abdinur, Wasiir Dowlahha Duulista Mudane Said, Lataliyaha Madaxweynaha Mudane Ahmed Hure, Guddoomiyaha Gobolka Bari Cabdirisaaq Cali Siciid (Shaahdoon) iyo xubno kale .

Sidoo kale Masuuliyiinta ayaa garab istaag iyo dhiirigelin ugu tegay geesiyaasha Ciidanka Cirintirka Argagixisada.

About The Author