Diyaaraha gudaha & dibadda dalka u safra oo gebi-ahaanba joojiyey shaqadii

21 Jan 2025 (Puntlandes.com Diyaaraha gudaha iyo dibadda dalka ayaa gebi ahaanba joojiyey shaqadii, iyagoo cabasho xooggan ka muujiyey Dowladda Soomaaliya oo ay ku eedeeyeen inay ku soo rogtay lacago xad-dhaaf ah.
Tallaabadan ayaa si weyn u saamaynaysa gobollada koonfurta dalka oo badi lagu socdo duulimaadyada cirka, xaaladaha ammaan awgood.
