Muuqaal-Sawirro: Wasiirka Xannaanada Xoolaha Puntland oo ka qaybgalay munaasabad ay Degmooyinka Burtinle, Buraan iyo Siyaasiyiin ay ku wareejinayeen Xoolo gaaraya 600 oo neef

21 Jan 2025 (Puntlandes.com) Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha DPL Mudane Cumar Cabdisamad Yuusuf Dhuux ayaa ka qaybgalay munaasabad ay Degmooyinka Burtinle, Buraan iyo Siyaasiyiin ay ku wareejinayeen Xoolo gaaraya 600 oo neef kuwaas oo ay ku taageereen Ciidamadda Difaaca Dowladda Puntland.

Wasiirka ayaa uga mahadceliyey dhammaan intii ka qayb-qaadatay soo ururinta Xoolahaan kuwaas oo muujinaya sida ay shacabka reer puntland uga soo horjeedaan Kooxaha Argagaxisada ah ee kusoo duulay Dalkeena, sidoo kale waxa uu degmada Buurtinle iyo deegaankeeda ku amaanay sida hagar la’aanta ah ay ugu gurmadeen ciidamada iyaga oo maanta wareejiyey adhi dhan 400 oo neef.

Ugu danbayn wuxu ugu qaabay degmooyinka iyo Goboladda Puntland inay u istaagaan garab istaaga ciidamada difaaca Puntland ee buuraha ku bacasanaya kooxaha argagaxisada nabad diidka ah.

About The Author