CIIDAMADA DIFAACA DOWLADDA PUNTLAND OO GAARAY GUULO TAARIIKHI AH

24 Jan 2025 (Puntlandes.com) Ciidamada Difaaca Dowladda Puntland ayaa si buuxda ula wareegay magaalada Turmasaale oo argagixisada Daacish u ahayd Talis weyn iyo goob istiraatiiji ah oo ay gabaad ka dhigtaan. Tan ayaa ka dhigan jab xooggan oo soo gaaray argagixisada firxadka ah ee kusoo duulay dalkeena.

Dhanka kale, ciidamada ayaa isku ballaariyay aagag kale oo muhiim u ahaa argagixisada, iyagoona qarxiyay Tiro miinooyin ah oo argagixisadu doonaysay in ay ku dhibaateyso shacabka Puntland, halka ay soo rideen diyaarado Drone ah oo laga soo buuxiyay walxaha qarxa.

Howlgalka ciribtirka argagixisada ee Puntland ayaa maraya meel wanaagsan, ciidamada geesiyaasha ah ee Dowladda Puntland ayaa xaqiiyay in guulo waa weyn oo ay ku diirsadeen shacabka Puntland ee wadajirka, nabadda iyo horumarka jecel.

Puntlandes.com

About The Author