Taliska Howlgalka ciribtirka argagixisada ee Puntland oo shaaciyay in ciidamada ay soo rideen 2 diyaaradood oo Drone ah kaliya
25 Jan 2025 (Puntlandes.com) Taliska Howlgalka ciribtirka argagixisada ee Puntland ayaa shaaciyay in ciidamada Difaaca Dowladda Puntland ay soo rideen 2 diyaaradood oo Drone ah, oo ay argagixisadu kasoo buuxiyeen walxaha qarxa.
Ciidamada Difaaca Dowladda Puntland ayaa saacadihii lasoo dhaafay qabsaday Talisyo muhiim ah oo uu ku jiro Kii argagixisadu kasoo diri jireen diyaaradaha Drones-ka ah, waxaana hoos u dhacay isticmaalka argagixisada Drone-ta.
“Ciidanku waxay hada soo rideen 2 drone oo ay Argagixisadu isku dayday in ay isticmaasho Buuraha Turmasaale. Tirada Droneska ay soo dirijireen 24kii saac ayaa hoos u dhacday taasi oo muujinaysa Awoodoodu in ay laciiftay.”