Sawirro: Maamulka Degmada Gaalkacyo oo si rasmi ah u fuliyey olole ballaaran oo ah bilic-soo-celinta suuqa Gaalkacyo
25 Jan 2025 (Puntlandes.com) Dowladda hoose ee degmada Gaalkacyo ayaa saaka si rasmi ah u fuliyey olole ballaaran oo ah bilic-soo-celinta suuqa Gaalkacyo, kaas oo wacyigalin maalmo socotay kadib lagu baneeyey goobo ganacsi oo ka dhisnaa goobo sharci daro ah iyo waddooyin muhiim u ah isu socodka suuqa.
Suuqa ayaa muddo dheer waxaa ka jiray ciriiri iyo jaam ba’an. Dowladda hoose ayaa wadda qorshe ay ku doonayso in lagu hagaajiyo suuqyada magaalada, si ganacsatada loogu abuuro goob ku habboon oo casri ah, taas oo fursad siinaysa in la kordhiyo isu-socodka bulshada iyo ganacsiga.
Gaalkacyo ayaa sanadihii lasoo dhaafay sameynaysay koboc ballaaran, kaddib markii Dowladda Puntland ay gacanta ku dhigtay, maxkamadeysay, kuna fulisay xukuno Dil ah xubno katirsan argagixisada Al-Shabaab oo magaalada ka geysan jiray dilalka haldoorka in kabadan 10 sano.

















