Ciidamada Amniga Dowladda Puntland oo fashiliyay qaraxyo ay argagixisada Daacish doonaysay in ay ku dhibaateyso shacabka Bosaso
25 Jan 2025 (Puntlandes.com) Ciidamada Amniga Dowladda Puntland ayaa fashiliyay qaraxyo ay argagixisada Daacish doonaysay in ay ku dhibaateyso shacabka magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland.
Ciidamada Amniga oo dabagal ku wadday dhagar-qabe Ajnebi ah oo xalay ciidamadu ku toogteen Boosaaso, xilli uu aasayay qarax Miino ayaa gudaha u galay hoygii uu ka deganaa Boosaaso, iyagoo qabtay tiro qaraxyo ah oo mid kamid ah ay qarxiyeen ciidamada Amnigu.