Ciidanka Puntland oo Talisyo hor leh Argagixisada Daacish kala wareegay

25 Jan 2025 (Puntlandes.com) Ciidanka howlgalka ciribtirka Argagixisada Puntland ee Hilaac ayaa gacanta ku dhigay taliska Adin-Dhure ee u dhow deegaanka Ina Cidoole.
Ciidanka oo dagaal kula galay Argagixisada Argagixisada Daacish aaga deegaanka Ina Cidoole iyo Damal Cagagub ayaa hormar ka sameeyey dagaalka iyagoo waxyeeleeyey kooxaha Argagixisada sidoo kale majirin wax khasaare ah oo ciidanka ka soogaaray dagaalkaas.
Sidoo kale Ciidanku waxay la wareegeen Taliskii Argagixisada Daacish ku laheyd deegaanka Warisoor, aaga Turmasaale ee Calmiskaad.
Puntlandes.com