Bosaso: Ajaaniib & Soomaali la shaqeynayey Ninkii Ajenebiga ahaa ee la dilay oo La xiray
26 Jan 2025 (Puntlandes.com) Laamaha Amniga ee gobalka Bari ayaa gacanta ku dhigay 8 xubnood oo katirsan argagixisada Daacish, kuwaas oo 6 kamid ah ay yihiin Ajaanib.
Xubnaha la qabtay ayaa la shaqeynayay ninkii Ajnebiga ahaa ee ay toogteen ciidamada Amniga Puntland, xilli uu ku aasayay qarax Miino bartamaha magaalada Boosaaso. Taliska Howlgalka ciribtirka argagixisada ee Puntland ayaa sheegay in sidoo kale ay qabteen ciidamadu ‘dad gaaray 100 qof, kuwaas oo looga shakisan yahay argagixisada, ayna baaris ku socoto.
“8xubnood oo kale oo 6 ka mid ah Ajaanib tahay, ayaa Ciidanku qabteen. waa kooxdii la shaqeynayey Ninkii Ajenebiga ahaa ee la dilay isagoo qarax aasayay sidoo kale 100 dad gaaraya xiran oo baaritaan ku socda, Shacabka aya shaqeyay.”
Waxaa si aad u fiican Ciidanka ula shaqaynaya Shacabka oo aad uga xumaaday in soo dhawayntoodii loogu bedelay in dalkooda lagu soo duulay.
Hoyga nin Ajnebi ah oo katirsanaa argagixisada Daacish, ayna toogteen ciidamada Difaaca Dowladda Puntland ayaa laga helay Qaraxyo, Bumbooyin, agabka walxaha qarxa laga sameeyo iyo rasaasta bistooladaha.
Ninka oo xilliga ciidamadu dilayeen aasayay ku aasay bartamaha magaalada Bosaso Miino, ayaa ahaa dadka wareejiya Tusbaxyada, Catarada iyo waxyaabaha kale ee Udugga ah.