Sawirro: Dhismaha Wado Laami ah oo cusub ee caasimadda Puntland

02 Feb 2025 (Puntlandes.com) Dhismaha Waddada Cali Hayaan ‘Ex Golis’ ee caasimadda Puntland ee ayaa meel gabagabo ah maraysa, iyadoo maanta lagu bilaabay dhigista daamurka.

Duqa magaalada Garoowe, Cabdulqaadir Geeddi oo kormeeray dhismaha Waddada ayaa sheegay in marka la dhameystiro ay ka qeyb qaadan doonto kobaca dhaqaale ee bulshada, fududeynta adeegyada kala duwan ee dadweynaha iyo kor u qaadidda bilicda caasimadda Puntland ee Garoowe.

About The Author