Guddoomiyaha ONLF “Itoobiya way sii kala tagaysaa, Soomaalidana waxaa lagu mashquuliyay arimo aan macno lahay”

02 Feb 2025 (Puntlandes.com) Guddoomiyaha Ururka ONLF Cabdirahmaan Maaday ayaa dhaliilay sida Itoobiya u maareyso arrimaha deegaanka Soomaalida, isagoo sheegay in shacabka lagu mashquuliyay isbeddelka hoggaanka, halkii laga doodi lahaa mustaqbalkooda.
Wuxuu tilmaamay in ismaamulka Soomaalidu uusan lahayn awood madax-bannaan, hoggaankana losoo xulo cida fulin karta qorshaha Itoobiya.
Gudoomiye Maadeey ayaa yiri “Itoobiya way sii kala tagaysaa, Soomaalidana waxaa lagu mashquuliyay arimo aan macno lahay” iyadoo aysan jirin dood dhab ah oo ku saabsan aayaha Soomaalida. Maadeey ayaa ugu baaqay shacabka in ay ka baxaan hurdada siyaasadeed, tashadaan, oo ay u midoobaan mustaqbalkooda.