Duqeymo culus oo caawa ka dhacay buuraleyda Calmiskaad

18 Feb 2025 (Puntlandes.com) Duqayn culus ayaa caawa ka dhacay buuraleyda Calmiskaad, kuwaas oo lala beegsaday aagag muhiim ah oo ay lahayd kooxda argagixisada ah ee Daacish.

11 kamid ah argagixisada Daacish ayaa lagu dilay duqeyn ka dhacday ku yaalla aagga deegaanka Shebaab ee buuraleyda Cal-miskaad ee gobalka Bari.

Duqeynta ayaa waxaa fuliyay saaxiibada Dowladda Puntland ee Imaaraatka Carabta, kuwaas oo taageeraya howlgalka ciribtirka argagixisada Daacish.

About The Author