Sawirro: hoggaamiyw Firdhiye oo Muqdisho lagu soo dhaweeyey

03 May 2025 (Puntlandes.com) Wasiiro ka tirsan DFS, Mas’uuliyiin iyo qeybaha bulshada ayaa ku soo dhaweeyay hoggaamiyaha Dowlad Goboleedka SSC-Khaatumo Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali (Firdhiye) garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.
Hogaamiye Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali ayaa imaatinkiisa magaalada Muqdisho uga qayb galaya Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo uu ku casuumay Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud, shirkaas oo lagu wado Villa Soomaaliya ka dhacayo shanta bishaan May ee 2025.






