RW Xamse oo uga talaasulay Lafta Gareen hogaanka Xisbiga Cadaaladda & Wadajirka (JSP)

09 May 2025 (Puntlandes.com) Hoggaanka Xisbiga Xasan Sheekh ee Cadaaladda iyo Wadajirka (JSP) oo ay ku mideysan yihiin Madaxda DFS iyo dowlad Goboleedyada ayaa laga heshiiyey khilaaf xoogan oo keenay inuu madaxweynaha KG Cabdicasiis Lafta Gareen Muqdisho uga dhoofo Baydhaybo, iyadoo uu hogaanka Xisbiga uga tanaasulay Ra’iisul Wasaaraha DFS Xamse Cabdi Barre.

Markii waxa Xisbiga Guddoomiye loo qorsheeyey Ra’iisul Wasaare Xamse halka madaxweyne Xasan Sheekh uu noqon lahaa musharaxa Xisbiga Xildhibaan Odowaana Xoghayaha Xisbiga taas oo uu Lafta Gareen diiday inuu aqbalo.

Qaab dhismeedka Xisbiga oo wax laga bedelay sidii markii hore la shaaciyey inuu noqdo ayaa iminka wuxuu yahay:

1- Guddoomiyaha Xisbiga ahna Musharax Madaxweynaha Xasan Sheekh

2- Guddoomiye Kuxigeenka 1aad C/casiis Lafta Gareen

3- Guddoomiye Kuxigeenka 2aad Ra’iisul Wasaare Xamse

4- Xoghayaha Guud ee Xisbiga C/raxmaan Odawaa

Golaha Wasiirrada iyo xildhibaannada muxaafidka ee labada heer Dawladda Federaalka & Dawlad Goboleedyada Galmudug, Hirshabeelle, Koonfur Galbeed iyo Khaatumo ayaa noqonaya Golaha dhexe ee Xisbiga Cadaaladda iyo Wadajirka (JSP).

Madaxweynaha Koofur Galbeed C/casiis Lafta Gareen oo markii hore dood ka keenay hannaanka qaab dhismeedka Xisbiga ayaa maalinta berri dib ugu soo laabanaya Muqdisho, si loo dhammeystiro wadatashiyada, ugu dambeyn maalinta Talaadada la isla qaato inay dhacdo Xafladda shaacinta Xisbiga.

Haddii si rasmiga ah loogu dhawaaqo Isbaheysigan cusub ee ay ku mideysan yihiin Madaxda xubnaha Golaha Wadatashiga Qaran ayaa durba wuxuu u muuqan doonaa mid lagu bedelay Xisbi.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dalka dawlad dhiskiisii waxa uu ku wadaa burburin.

About The Author