Dawladda Mareykanka oo si xoogan u durtay dhammaan go’aanadii DFS & Dawlad gobaleedyada qaarkood ka soo saareen shirkii Muqdisho

09 May 2025 (Puntlandes.com) Dawladda Mareykanka, gaar ahaana Wasaaradda arrimaha dibada qeybteeda qaabilsan Afrika ayaa si xoogan u durtay dhammaan go’aanadii Madaxda Madaxda Dawladda Federaalka & Dawlad gobaleedyada qaarkood ka soo saareen shirkii Muqdisho.

Dawladda Mareykanka ayaa u sheegtay maamulka Xasan Sheekh in loo baahan yahay in go’aanada la xariira arrimaha Faderaalka (Maamulada) & doorashooyinka ay tahay in laga qeybgaliyo dhammaan daneeyayaasha muhiimka ah.

Si cad ayay Mareykanka u sheegeen in go’aanada aan haysan wadar ogolka iyo wadatashi dhan ay halis ku yihiin daganaanshaha aysana sharciyad dhab ah aheyn.

Go’aanadii madasha ayaa lagu sifeeyey in ay halis ku yihiin Amniga iyo dib u kabashada loogu jiro in looga gudbo marxaladda amni darada ee Soomaaliya ka jirta.

In la Share-gareeyo: warsaxaafadeedkii Madasha ee afka Soomaaliga ku qornaa ee bogga madaxtooyada Soomaaliya ayaa ah wajigabax, ay ka dhigan tahay in si toos ah loogu cadeynayo DFS & DG in go’aanadaan aysan haysan sharciyad iyo ogolaansho loo dhan yahay.

About The Author