Muuqaal: MD Xasan Sheekh oo sheegay in dalka ay ka dhacayso oo kaliya doorasho qof & cod ah

15 May 2025 (Puntlandes.com) Madaxeweynaha DFS Xasan Sheekh oo ka hadlayay Muqdisho maanta ayaa ka jawaabay eedaha uga yimi mucaaradkiisa, isagoo sheegay in uusan ka laaban doonin go’aanadiisa la xariira doorashooyinka & Amniga, wuxuuna dhaliilay Siyaasiinta oo uu kusheegay kuwa aan horey u soconeynin.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa yiri “Xildhibaannadii labada saacadood jeebka lagu soo ridanayey kuwii soo xushay kama faa’iidin, bal maxay mar kale ku falayaan! Waa laysku dilayaa markaan, dadkii la boobay mar kale lama boobi karo.”

“Muddo-xileedkeygii hore waxan hirgeliyey Federaalka, Puntland wey jirtay waxaana lay lahaa; shaati ayuu tolanayaa, Farmaajo ayaa tolan waayey anna ma tolan karo ee shacabkaa toli kara shaatiyo fiican.”

Madaxweyne Xassan Sheekh ayaa sheegay in dalka ay ka dhacayso oo kaliya doorasho qof iyo cod ah, oo aan doorasho dad-ban dhici doonin.

Sidoo kale mucaaradka ayuu kusheegay kuwa Argagixisada u hiilinaya, waxaana uu si maldahan u sheegay in ay Argagixisada taageerayaan.

About The Author