Muuqaal: Gaalkacyo oo ciidanka PSF jabiyey amarkii gudoomiyaha Gobolka Mudug

22 May 2025 (Puntlandes.com) Ciidankii horay loo oran jiray PSF ayaa mar kale ka soo baxay xeradoodii magaalada Gaalkacyo iyagoo jabiyey amarkii gudoomiyaha Gobolka Mudug Faysal Sheekh Cali Jifo-Jabsade oo ah mas´uulka ugu sareeya gobolka.

Ciidankaan oo fawdo iyo amardiido wada ayaa waxaa gadaal ka riixaya isagoo doonaya inuu Puntland ku burburiyo madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh.

Ciidankaan ayaan horay uga soo bixi jirin Xeradooda iyagoo iminka ku hawlan Fidno Muqdisho laga soo abaabulay.

About The Author