C/karim Xusen Guled ” Tan & shirkii Carte dalka kama dhicin doorasho aan Heshiis lagu ahayn, waana lagu wada qancay dhamaan natiijooyinkii ka dhashay…”

22 May 2025 (Puntlandes.com) Warqad iyo dhanbaal furan oo uu qoray madaxweynihii hore ee Galmudug Cabdikariim Xuseen Guled taas oo ku socotay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh ayuu ugu hadlay xaaladda kahtarta ah ee uu dalkeenu ku sugan yahay taas oo ka dhalatay hogaanka madaxweynaha.
Madaxweyne Cabdikariim ayaa caddeeyey inuu madaxweyne Xasan Sheekh ku fashilmay amniga, siyaasadda, dhaqaalaha, doorashada, midnimada iyo wadajirka shacabka Soomaaliyeed.
Cabdikariim Xusen Guled ayaa qoraalka ku yiri ”Tan iyo shirkii Carte ee sanadkii 2000, dalka kama dhicin doorasho aan Heshiis lagu ahayn, waana lagu wada qancay dhamaan natiijooyinkii ka dhashay…”
“madaxweyne, dariiqa aad hada kuwado doorsaha ee ku salaysan loo joojin maayada ma tago Ceel Nabdeed, mana ku hanan kartid kuxun iyo sumcad toona”
Cabdikariim oo sanadihii u dambeeyey u ahaa madaxwewyne Xasan ergaygiisii gaarka ah ee wada hadalka Somaliland, ayaa sheegay in aan “Loo joojin maayo” meelna lagu gaari karin, dalkuna halis ku jiro, ciidamada la burburiyey, Midnimadii ay sii kala dhantaalmayso, oo intii wada joogtay sii kala diraya.
Ficilada iyo marxaladda siyaasadeed ee maanta ayuu sheegay in ay ku dhammaan karto kala tag bulshada Soomaaliyeed, madaxwewaxweyne Xassan Sheekh ayuuna sheegay in aan laga fileynin.
Eedeynta aadka u culus ee ka timi Cabdikariim Guled oo kale looma qaadanayo wax caadi ah, marka laga hadlayo fagaaraha siyaasadda iyo u dhawaanshaha saaxiibkiis Xassan Shekh.

