Maamulka SSC-Khaatumo oo la wareegay degmada Shaxda ee gobolka Karkaar

23 May 2025 (Puntlandes.com) Maamulka SSC-Khaatumo ayaa dhaqdhaqaaq uu kula wareegay ka bilaabay degmada Shaxda ee gobolka Karkaar oo kamid ahayd degmooyinka ay Puntland ka qabtay doorashooyinkii qof iyo cod.
Taliska Booliiska Gobolka Xaysimo (degmada Taleex) ayaa tagey degmada Shaxda kana qoray ciidamo ka amar qaata, iyagoo sheegay in ay ka tirsan tahay maamulka SSC-Khaatumo.
Dhanka kale waxaa halkaasi gaaray mas’uuliyiinta gobolka Karkaar ee Puntland hase yeeshee odayaasha magaalada ayaa la sheegey in ay ka hortegay in ay dhacaan wax xiisad gacan ka hadal ah.
Degmada Shaxda oo ay dawladda Puntland degmo ka dhigtay ayaa dhacda dooxada ay iska-galaan gobollada Karkaar, Sool, Highland iyo Nugaal, waxayna ka tirsan tahay gobolka Karkaar.
