Sawirro: Gaalkacyo oo laga daah-furka imtixaanka shahaadiga ah ee fasalada 8aad & 12aad

24 May 2025 (Puntlandes.com) Guddoomiyaha gobolka Mudug, Mudane Faysal Sheikh Cali Jifo-Jabsade oo ay wehelinayeen xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Puntland, maamulka waxbarashada gobolka, maamulka degmada Galkacyo iyo mas’uuliyiin kale, ayaa maanta si rasmi ah uga qaybgalay xafladda daah-furka imtixaanka shahaadiga ah ee fasalada sideedaad iyo afaraad ee dugsiyada sare, oo si weyn uga qabsoomay magaalada Gaalkacyo.
Munaasabaddan ayaa si gaar ah loogu qabtay dugsiga sare ee Omar Samatar, iyadoo arday tiro badan ay u fariisteen imtixaanka, kuwaas oo rajeynaya inay u gudbaan heerar waxbarasho oo cusub.
Guddoomiyaha oo khudbad dhiirigelin ah u jeediyey ardayda, waalidiinta iyo maamulka waxbarashada, ayaa sheegay in maanta ay tahay maalin taariikhi ah oo muhiim u ah mustaqbalka jiilka cusub. Wuxuu uga mahadceliyey wasaaradda waxbarashada Puntland dadaalka ay ku bixinayso horumarinta nidaamka waxbarasho, isagoo sidoo kale ku booriyey ardayda in ay muujiyaan dadaal, dulqaad iyo kalsooni.
Xafladda daah-furka ayaa ahayd mid ay ka muuqatay farxad, rajo iyo dhiirigelin, iyadoo maamulka dugsiga Omar Samatar iyo waalidiinta ardayda ay muujiyeen taageero buuxda oo ay u hayaan horumarka waxbarashada ee gobolka Mudug. Waxaa sidoo kale lagu ammaanay sida nabadda iyo nidaamka leh ee ay ardaydu u gelayaan imtixaanka, taasoo muujinaysa heerka koboca ee waxbarashada gobolka.





















