AUN Gen. Maxamed Siciid Xirsi (Morgan) oo ku geeriyooday Isbitaal ku yaala Nairobi

INAA LILAAHI WA,INAA ILEYHEYHI RAAJIXUUN, Allaha u naxariistee waxaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya ku geeriyooday Gen Maxamed Siciid Xirsi Morgan.
AUN Gen Morgan soo noqday Wasiirkii Gaashaandhigga ee ugu danbeeyey Dowladdii dhexe ee Soomaaliya ee uu hogaaminayey AUN Maxamed Siyaad Barre, wuxuu kaloo ka mid ahaa Taliyaashii ciidamada Xoogga Dalka, iminkanawuxuu la-taliye sare oo amni u ahaa Madaxweynaha Puntland.
AUN Jananka ayaa arimo caafimaad loogu qaaday dhawaan magaalada Nairobi ee dalka isagoo ugu dambayn ku geeryooday maanta.
Gen Morgan wuxuu 1949kii ku dhashay magaalada Qardho, wuxuu ciidamada xoogga ka mid noqday 1967dii, isagoo wax ku soo bartay Midowgii Soofiyeeti iyo Mareykanka, wuxuu Taliye ka soo ka soo noqday ciidamadii gobollada dhexe iyo gobollada woqooyi, isagaana ugu dambayn noqday Wasiirkii Gaashaandhigga ee ugu danbeeyey xukuumaddii Kacaanka & sidoo kale Soddogga Siyaad-barre.
Markii dowladdu dhacday waxa u baxay Kismayo ilaa uu mar dambe u soo wareegey Puntland oo isu sharraxay Madaxweyne 2019.