Madaxweyne Xassan Sheekh oo gudoomiyaha gobalka Banaadir u magacaabay Xassan Maxamed Muungaab

28 May 2025 (Puntlandes.com) Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh ayaa gudoomiyaha gobalka Banaadir u magacaabay Xassan Maxamed Muungaab, oo mudo dheer sugayay booska Xeer Ilaaliyaha guud oo horey loogu balan-qaaday 2022kii, balse maanta dhinaca Banaadir helay.
Muungaab ayaa horey xilkaan u soo qabtay 2014-kii, waxaana magacaabidaani ay ka dhigan tahay fariin ku socota siyaasiinta Muqdisho, oo loo diray labo fariimood oo mid kamid ah ay tahay in Villa Somalia u baahan tahay gacan ka hadal iyo awood maqnuunin gudaha Muqdisho ah.