Gudiga Amniga Gobolka Mudug oo go’aamiyey in dib loo dhigo banaanbaxii lagu waday in uu ka dhaco Galkacyo

29 May 2025 (Puntlandes.com) Guddiga Amniga Gobolka Mudug ayaa go’aamiyey in dib loo dhigo banaanbaxii lagu waday in uu ka dhaco magaalada Galkacyo, sababo la xiriira daruufaha amni ee ka jira gobolka, codsiyo kasoo baxay qayb kamid ah dhalinyarada, iyo diyaar-garow aan weli dhameystirneyn oo ay wadaan hay’adaha amniga.
Dhanka kale, xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada ayaa gaaray gobolka si ay uga jawaabaan tabashooyinka bulshada, iyadoo guddigu ugu baaqay shacabka Mudug in ay ilaashadaan nabadda kana shaqeeyaan xasilloonida gobolka.
