Sawirro: Wasiirro ka tirsan dawladda Puntland oo kulan la qaatay bulshada gobolka Mudug gaar ahaan Gaalkacyo

29 May 2025 (Puntlandes.com) Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa waxaa caawa ka qabsoomay kulan muhiim ah oo wada-tashi ah, kaasoo ay wasiirro ka tirsan xukuumadda Dowladda Puntland si toos ah ula yeeshen bulshada.
Kulankan ayaa ahaa mid xoogga lagu saarayo dhageysiga tabashooyinka shacabka, falanqeynta baahiyaha jira, iyo xoojinta wadashaqeynta dowlad iyo shacab.
Intii uu kulanku socday ayaa waxaa si gaar ah diiradda loogu saaray arrimo muhiim u ah horumarka magaalada iyo guud ahaan gobolka, kuwaas oo ay kamid yihiin:
• Daraasad cusub oo biyo-ka saarista magaalada ah, taasoo looga gol leeyahay in wax looga qabto biyaha fadhiya ee Gaalkacyo, loona suurtageliyo mustaqbalka Gaalkacyo ee xal u helida biyaha.
• Qorshaha dhismaha wadada isku xirta Xarfo iyo Gaalkacyo, taasoo muhiim u ah fududaynta iyo kor u qaadidda isku socodka, ganacsiga, iyo dhaqaalaha gobolka.
• Mashruuca dhismaha garoonka diyaaradaha Gaalkacyo, oo xukuumaddu sheegtay inuu yahay mid leh mudnaan gaar ah, isla markaana lagama maarmaan u ah horumarinta duulista rayidka iyo isku xirka gobollada Puntland iyo somalia.
Kulanka ayaa sidoo kale waxaa ka qabsoomay dood furan oo ay ka qeybgaleen qeybaha kala duwan ee bulshada, kuwaas oo si toos ah u cabbiraya aragtidooda una bandhigaya baahiyaha ay qabaan. Wasiirrada Dowladda Puntland ayaa dhankooda sharaxay qorshayaasha xukuumadda, waxayna ballanqaadeen in la qaadi doono tallaabooyin wax ku ool ah si wax looga qabto cabashooyinka iyo horumarinta adeegyada bulshada.
Kulankan ayaa muujinaya muhiimadda ay leedahay is dhexgalka tooska ah ee dowladdu la yeelato shacabka, iyadoo la rajeynayo in uu horseedo horumar dhab ah oo ku saleysan baahida dhabta ah ee shacabka reer Mudug.






























