Ciidanka Puntland oo gacanta ugu dhigay Taliskii ugu waynaa Argagixiso Daacish ee Miiraale

31 May 2025 (Puntlandes.com) Ciidanka Difaaca Puntland ayaa gacanta ugu dhigay Taliskii ugu waynaa Argagixiso Daacish ee Miiraale, ciidamada ayaa dhawr jiho uga yimi Ceelka Miiraale oo ahaa halkii ugu weyneyd oo Talis u ahayd argagixisada 10kii sanno ee lasoo dhaafay.

Diyaaraddaaha Dagaalka ee dhowaan ay la wareegeen Ciidamada Difaaca Puntland ayaa qayb weyn ka ahaa Dagaalka iyo qabashadda Miraale.

Firxadkii Kooxaha Argagaxisada Daacish oo carar ku jira ayey iminka Ciidanka Puntland baacsanayaan.

About The Author