Muuqaal: Gudoomiyaha Gobolka Mudug oo ka hadlay dhalinyaro lagu xiray Galkacyo iyagoo Garoonka Cawaale Stadium……

06 June 2025 (Puntlandes.com) Guddoomiyaha Gobolka Mudug, Mudane Faysal Sheikh Cali Jifo-Jabsade, ayaa ka hadlay dhacdo dhalinyaro lagu xiray magaalada Galkacyo xilli ay faraha kula jireen fala amniga lid ku ah oo ay kula kacayeen amaanka dad kau cibaadaysanayay Garoonka Cawaale Stadium

Dhalinyarada ayaa lagu qabtay xilli ay magaalada ku sameynayeen kacdoon aan fasax haysan, iyadoo isla waqtigaasna shacabka reer Galkacyo ay isugu soo baxayeen munaasabadda Ciidul Adxaa.

Guddoomiyuhu wuxuu sheegay in amniga magaalada uu yahay mudnaanta koowaad, islamarkaana aan la ogolaan doonin abaabul aan sharciyeysneyn oo carqaladeyn kara xasiloonida, waxuuna sheegay in xorriyadda hadalka iyo muwaadinnimada ay ku saleysan tahay sharci iyo kala dambeyn isagoo intaas ku daray in ciidamada ammaanku ay si waafaqsan sharciga u xireen dhalinyaradaas si looga hortago khal-khal amni.

Gudoomiyaha gobolka ayaa sidoo kale ugu baaqay bulshada, gaar ahaan dhalinyarada, in ay codkooda ku muujiyaan si nabad ah oo waafaqsan nidaamka dowliga ah, iyagoo ka fogaanaya falal laga yaabo inay keeni karaan dhibaatooyin dheeraad ah.

About The Author