Puntland: Gaalkacyo oo lagu dhalinyo Garoonka Cawaale kaga hawlanaa…….

06 June 2025 (Puntlandes.com) Dawladda Puntland ayaa xarunta gobolka Mudug ee Gaalkacyo waxay ku xirtay 5 dhalinyaro, kuwaas oo Garoonka Cawaale oo ay ka socotay munaasabadda Salaada Ciidda kaga hawlanaa fal ka dhan ah dawladda.
Dhalinyarada la xiray ayaa kala ah:
1-Maxamed Abdulkadir Cigaal Caymo
2-Maxamed Jamac Kiijare
3-Cadde Maxamed Ismaaciil
4-Axmed Cabdiqani Yusuf (Rahim Alpa)
5-Maxamed Cabdicasiis Warsame
Dhallinyaradaan ayaa la sheegay inay wateen boorar ay wax ku soo qorteen, iyagoo u qaybinayey dadkii Salaadda Ciidda u yimid Garoonka.