DFS: Waxaan ugu baaqaynaa BBC-da inay si degdeg ah uga saarto khariidadda qaldan oo ay soo saarto sixidna …

06 June 2025 (Puntlandes.com) Dawaladda Federaalka Soomaaliya ayaa qoqaal ay soo saartay waxay walaac xoogan uga muujisay Khariidadda ay adeegsatay Idaacadda BBC-da, taasi oo si bareer ah u marin habaabisay midnimada dhuleed Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Dawladda Federaalka ayaa waxay ugu baaqday BBC-da inay si degdeg ah uga saarto khariidaddaan qaldan oo ay saxdo qaladkaas.
Idaacadda BBC-da ayaa isticmaasha oo baahisa Khariidad ay Soomaaliya ka saartay maaumulka Somaliland taas oo ah xadgudub maadaama aysan ahayn dal la aqoonsan yahay.
