TACSI: AUN CABDIRISAAQ GARWAYNE OO KU GEERYAADAY DALKA SWEDEN

INAA LILAAHI WA,INAA ILEYHEYHI RAAJIXUUN.
Waxaa maanta oo ay taariikhdu tahay 07/06/2025 ku geeriyooday magaalada Gothenburg ee dalka Sweden Allaha u naxariistee Cabdirisaaq Faarax Warsame (Garwayne) oo ka mid ahaan jiray Macalimiintii hore Soomaaliya xilal kala duwana ka soo qabtay wasaaradda waxbarashada ee Soomaaliya.
AUN Cabdirisaaq ayaa waxa uu mudooyinkii dambe ka shaqaynayey barnaamijyada horumarinta dalkeena isagoo ka mid ahaa aasaasayaashii, qayb lixaad lehna ka soo qaatay, mashruuca horumarinta degmada Bursaalax iyo mashaariic kale.
Bahda Warbaahinta Puntlandes waxay Allah uga baryeysaa inuu u naxariisto Cabdirisaaq Faarax Warsame (Garwayne), Kitaabkiisana gacanta midigta ah ka siiyo, Janatul Fardowsana hoy uga yeelo, Caruurtiisii, ehelkiisiiii, qoyskiisa iyo asxaabtiisana uu samir iyo iimaan Allaha ka siiyo Amiin.