Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed oo walaac xooggan ka muujisay hannaanka loo marayo xulista xubnaha Guddiga Madaxabannaan ee Xuquuqul Insaanka

07 June 2025 (Puntlandes.com) Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed oo qoraal soo saartay ayaa walaac xooggan ka muujisay hannaanka loo marayo xulista xubnaha Guddiga Madaxabannaan ee Xuquuqul Insaanka.

Madasha ayaa xulista xubnaha Guddiga oo ka mid ah Guddiyada Madaxabannaan ee dastuuriga ah sheegtay inay baal marsan tahay qodobada 41aad iyo 111b ee Dastuurka Ku-Meel Gaarka ah oo dhigaya in Baarlamaanka Federaalka uu dhiso guddi Xuquuqda Aadanaha u qaybsan oo ka madax bannaan maamulka Dawladda, ahaadana mid loo dhan yahay.

About The Author