Gen Axmed Cabdullahi Sheekh “Waxan hambalyo & bogaadin u dirayaa ciidanka buuraleyda CalMiskaad, kuwaas oo si guul leh u fuliyay wejiga saddexaad ee hawlgalka ciribtirka argagixisada ee Hilaac”

08 June 2025 (Puntlandes.com) Gen Axmed Cabdullahi Sheekh oo ah Taliyihii hore ee Ciidan DANAB ee DFS iminka ah sarkaal sare oo tairsan dawladda Puntland ayaa sheegay in Hawlgalkii ciribtirka Argagixisada ee Calmiskaad uu gabogabo marayo.
Hoos ka akhriso qoraalka Gen Axmed Cabdullahi Sheekh:
Ciidamada geesiyaasha ah ee Puntland, iyagoo si hagar la’aan ah uga hawlanaa sifaynta iyo nadiifinta goobaha ay ku dhuumaalaysanayeen argagixisada caalamiga ah saddaxdii maalmood ee la soo dhaafay, waxay muujiyeen geesinimo iyo adkeysi xilli shacabka Puntland iyo kan Soomaaliyeed ay ku guda jireen farxadda Ciidda Al-Adxa.
Waxaan halkan uga dirayaa hambalyo iyo bogaadin gaar ah ciidanka iyo saraakiisha ku sugan jiidaha hore ee buuraleyda Cal-Miskaad, kuwaas oo si guul leh u fuliyay wejiga saddexaad ee hawlgalka ciribtirka argagixisada ee Hilaac, oo haatan heer gabo gabo ah. Dadaalkooda wuxuu keenay guulo waaweyn oo la taaban karo.’