Mucaaradka Soomaaliya oo qaadacday shirarka 15-22 Juun ee Madaxweyne Xasan Sheekh ku baaqay

09 June 2025 (Puntlandes.com) Madasha Samata-bixinta ayaa mar kale soo saaray war murtiyeed ay uga hadlayaan mowqifkooda ku aadan gogosha uu fidiyay Madaxweyne Xasan Sheekh, iyadoo markii hore Madashu soo dhoweysay gogoshaas, haddana waxay tilmaameen inay u arkaan kulamada uu qabanayo Madaxweynaha 15-ka June iyo 22-ka June ay yihiin kuwo uu taageero ugu raadinayo jidkii uu horay ugu joogay ee sababay khilaafka iyo kala aaminbaxa, tallaabadaas ay dhaawaceyso niyad wanaaggii ay madashu ku qaabishay gogosha, sidoo kale ay niyad jebineyso shaxabka Soomaaliyeed iyo Beesha Caalamka rajadii ay gogosha ka qabeen.

“Madashu waxay weli Madaxweynaha ka dhowreysaa gogol wada-xaajood oo loo dhan yahay, si xal waara looga gaaro khilaafka siyaasadeed”

About The Author