C/karim Xusen Guled ”waa in Ajendaha rasmiga ah ee shirka si hufan looga wada xaajoodo…”

09 June 2025 (Puntlandes.com) Warqad iyo dhanbaal furan oo uu qoray madaxweynihii hore ee Galmudug Cabdikariim Xuseen Guled ayuu ku sheegay in ajendaha shirkii uu 15ka juun ku baaqay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh looga wada xaajoodo la islana diyaariyo ka hor shirka.
Cabdikariim Xusen Guled ayaa qoraalka ku yiri “Sida ay dadweynaha Soomaaliyeed ba ka warqabaan, waxaan si diirran u soo dhaweeyay gogosha uu ku baaqay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, taariikhdu markay tahay 15-ka Juun.
Waxaanna horey u muujiyay tillaabooyin muhiim ah oo lagama maarmaan u ah in gogoshu noqoto mid miro dhal ah, loogana gaaro xal waara xaaladaha cakiran ee dalka ka taagan.”
